Salaada

print gareyso ama u dir qof
kale

 

Waajibnimada salaada

Waxaa mahad dhammaanteed iska leh Allihii
ka dhigay salaadda tiirarka Islaamka midda
ugu horeeysa shahaadada kadib, Allena wuxuu
yiri salaaddu waa mid ku culus dadka kuwa
Alle kabaqa mooyaane, kuwa Alle kabaqana
waa kuwa si xaqiiqa ah u ogaadey iney Alle
la kulmi doonaan loona celin doono xaggiisa.

Arinka salaadda waa mid Alle wayneeyay
quraankiisana wax badan ayuu uga hadlay
fadligeeda iyo waynenkeedaba, rasuulka Alle
(scw) wuu tilmaamay ahmiyada ay salaada
leedahay, wuxuuna yiri waxa koowaad ee Alle
waydiinayo adoonkiisa maalinta qiyaame waa
salaadda qofkey u hagaagto salaaddiisu ama
wanaagsanaato acmaashiisa oodhan way hagaagtey,
qofkey ka xumaatona salaaddiisa acmaashiisa
oodhan way xumaatay. Hadaba qof walba oo
maqley hadalka rasuulka scw waa inuu ku
dadaalo salaaddiisa intuusan ugudbin acmaal
kale, sababtoo ah markey saxanto ayaa inta
kale oodhami saxsamayaan, liibaanta qofka
aduun iyo aakhiroba waxay ku xirantahay
hadba intuu daryeelo salaaddiisa iyo intuu
taxaddar gooniya siinayo salaada, salaaddu
waa nuur aakhirana waa keyd kuu yaalla,
qofka aduunka kaalma ayey utahay, qofka
dhibka haysta ayaa kaalmaysta sabarka iyo
salaadda, Allena kuwa dulqaata ayuu marwalba
lajiraa, salaaddu waxay reebtaa dembiyaasha
foolxun iyo waxyaalaha diinta diiday oodhan,
salaadda waxay ahayd il qabowsiga rasuulka
scw, wuxuuna yiri adduunkiisa waxaa la iga
jecleysiiyay ( dumarka iyo waxa carfa isheydu
waxay ku raaxeysataa salaadda) wuxuuna ahaa
rasuulka scw markuu muragoodo mid u degdega
salaadda, wuxuuna oran jiray (Bilaalow noo
raaxee oo salaadda noo adin,) Salaadda waa
xiriirka u dhaxeeya adoonka iyo Rabbigiisa,
salaadu waa midda kala saarta gaalnimada
iyo iimaanka, muslinimada. Islaanimadana
qayb yar kumalaha qofka kataga waajibnimada
salaadda.

Qofkii salaadda kataga Ilaahey waxa uu
kayiri , markuu kasoo sheekeeyay nabiyaashiisa
inay ahaayeen kuwo markii lagu akhriyo aayaadka
Alle sujuud uhoobta iyagoo waliba ooyaya,
Alle wuxuu yiri nabiyaddii noocaas ahaa
(waxaa kadabamaray gadaashooda taran xun,
waxaybba dayaceen salaaddii waxaynna raceen
waxay naftoodu jeceshahay, waxaynna gali
doonaan wabiga la yiraahdo gayyi) waa wabi
kuyaalla bartaha jahannama, lakiin ninkii
ka toobad keenna rumeeyana Alle wuxuu qaribaynna
hagaajiyo, midkaas Alle waa ka toobad aqbali
doonaa Alle wuxuu yiri ( anigu waxaan ahay
mid toobad aqbalid badan, midkii toobad
keenna, I rumeeya kadibna hanuuna). Qofka
aan salaada tukan waa qof laga qadiyay dhadhanka
macaanka ah ee cibaadada iyo lasheekeysiga
Alle. Waa mid laga qadiyay inuu ku dhawaaqo
( iyyaaka nacbudu wa iyyaaka nastaciinu)
macnaheedu yahay Allow kaligaa ayaan ku
caabudaa, kaligaa ayaana wax waydiistaa.
Kalimadaas inkastoo ay yartahay hadana waa
mid aan si sahal looga dabatageenin. Ilaahay
wixii uu uga hadlay kitaabadii naga horeeyay,
towraat ,injiil, Zabuur iyo suxufi Ibraahiima,
wax Allaale iyo wixii macna kujiray oodhan
waxaa looga hadlay quraanka, quraanka wixii
looga hadlayna waxaa lagu soo aruuriyay
faatixadda, wixii faatixadda looga hadlaynna
waxaa lagu soo aruuriyay ( iyyaaka nacbudu
wa iyyaaka nastaciin). Hadaba kawarama qofkii
loo diido inuu kalimadaas ku dhawaaqo, aan
aniga iskaga jawaabe qofkaas xaqiiqadii
waa hoogay, waxyaalaha naarta lagu galana
waxaa kamid ah salaadla�aanta, ahlu naarku
marka lawaydiiyo maxaa naarta idin galiyay,
jawaabta koowaad oo ay ku jawaabaan waxay
tahay, maanu ahayn kuwo salaadda tukada.
Hadaba Qofwalba oo muslim ah ee Alle rumeysan,
rasuulkiisa rumeesan, rumeysan aakhira,
in la xisaabin doona rumeysan, rumeysan
in uu gurigiisa noqon doono jannah ama naar,
waa inuu arinka salaadda labadiisa indhood
horkeenaa taxaddar gooniyana siiyaa.

Hadaba walaal hadaad kamid tahay salaad
ilaaliyaasha, Alle kumahadi, Alle ayaa kuwaafajiyay
wax layska wada heli karo ma aha. Hadaad
kamid tahay kuwa dayacana u degdeg toobad
keenka Alle, waxaana kuleenahay (innaalillahi
wa innaa ileyhi raajicuun) sababtoo ah musiiba
wayn ayaa kugu timid markaad katagtay salaaddii
Alle, maanta dadku waxay wax badan ku murmaan
gaal miyaa taariku salaadka ?. Jawaabta
haku dagdagin, Alle wuxuu yiri salaada ooga
oo hanaqonina gaalo, rasuulkuna scw wuxuu
yiri (qofka iyo gaalnimada waxaa udhaxeeya
ketigaanka salaada ). Markale rasuulka scw
wuxuu yiri ( salaadu waa tiirka diinta qofkii
salaada dumiya, run ahaantii diinta oodhan
ayuu dumiyay). Walaalayaal weyninka salaada
sheekadeeda lama soo koobi karo, rasuulka
scw markii sakaraadka hayey wuxuu ka dardaarmay
salaada, hadalkiisina hadii u wax ku tusayo,
wuxuu ku tusayaa sida ay salaada ugu wayneed
rasuulka scw. Waxaana nala amray inaan kudayano
rasuulka scw, hadaba walaalayaal anigoo
soo koobaya hadalkeyga salaada waa inaan
ka oognaa guryaheena, meelaha aan wax ku
barano, goobaha aan ka shaqeeno iyo meel
walba oo ay nagu qabato, sababtoo ah arinka
salaaddu waa mid la�adkeeyay, nabiyaashii
Ilaahay mid walba wuxuu lahaa Ilaahay salaada
ayuu iigala dardaarmay. Alle wuxuu ku yiri
rasuulkiisa Maxammed scw (cidaada amar salaada),
nabi Ciisana wuxuu yiri Alle wuxuu ii dardaarmay
salaada iyo zakada intaan noolahay. Mar
haddii xaaladeedu sidaas tahay, waa laga
maarmaan fiira gaara inaan u yeelano salaada.
Hadaba walaalayaal salaaddu qofka sina ugama
dhacdo inta caqligu joogo, wey kula joogtaa
Alle wuxuu yiri salaaddu waa mid lagu kor
qoray dadka mu.aminiinta ah . Markaad dhimato
ayey kaa dhaceysaa kaligeedna ma,aha cibaadada
oodhan ayaa dhacda Alle wuxuu yiri Allahaaga
caabud illaa geeridu kaaga timaado. Waxaan
Alle waydiisaneynaa inuu nagu canfo waxaan
sheegnay, naguna hanuuniyo iyo wuxuu Alle
jecelyahayba oo uu raali nooga yahay. Waxaa
soo diyaariyay kii faqiirka u ahaa rabbigiisa
Sheekhow, wasillilaahumma calaa sayiddinaa
Muxammad wassalaamu calaykum wrwb.

Qore Macalin Sheekhow

madaxa waaxda dacwadda

Markazka Alhuda

Finland, Helsinki

www.markazhudaa.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *